Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) Waxaa uu kamid ahaa dagaalyahanada kooxda Alshabaab tan iyo sanadkii 2016kii
Cabdullaahi ayaa la soo qabtay xilli uu miino ku aasayay deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolka sh.hoose.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta xukunkiisa u fadhiisatay ayaa dhageysiga dacwadiisa kadib ku xukuntay xabsi daa’in ah.
Maalmihii u dambeeyay dagaal yahano ka tirsan kooxda Alshabaab oo siyaabooyin kala duwan loo soo qabtay ayey xukuno kala duwan ku fulineysay maxkamadda ciidamada qalabka sida Ee Soomaaliya.