Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi Oo ka soo jeeda Liibya ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu yahay ninkii sameeyay bambkii lagu qarxiyay diyaaradii rakaabka aheyd ee mareykanka uu lahaa taas oo lagu burburiyay 1988-dii magaalada yar ee Lockerbie ee ku taalla Scotland.
Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dembi-baarista ee FBI inay gacanta ku hayaan sarkaalkan tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo loo haysto inuu sameeyey bambkii soo riday diyaaradaasi kaas oo sababay dhimashada 259 rakaab ah oo saarnaa oo ay ku jiraan 190 muwaadin oo u dhashay Maraykanka iyo weliba 11 qof oo kale oo ku dhintan goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday.
Xariga Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi ayaa yimid ka dib dadaal muddo socday oo la doonayey in caddaaladda lagu horkeeno, si loogu maxkamadeeyo dembiga loo haysto. iyadoona Laba sano ka hor ay ahayd markii xeer ilaaliyaha Maraykanka ee xilligaas William Bar, uu ku dhawaaqay dembiyo lagu soo oogayo eedaysane Mascud, iyada oo loo hayso inuu farsameeyey bamkii ku qarxay diyaaradda la soo riday.
Illaa haatan xogbadan lagama hayo, cidda Maraykanka u soo gacangelisay sarkaalkan ka tirsan sirdoonka Liibiya. balse Mascuud ayaa noqonaya qofkii saddexaad ee dacwad lagu soo oogo, kuwaas oo loo haysto weerarka diyaaraddan,
Horey waxaa maxkamad loo saaray al-Megrahi iyo al-Amin Khalifa Fhimah, kuwaas oo dacwad lagu soo oogay sannadkii 1991, hase ahaatee dawladdii Liibiya ee xilligaas ayaa diiday codsiyo uga yimid Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku aadanaa inay u soo gacan geliyaan labadaas eedaysane.