Xaalad Jahwareer adag ayaa ka taagan Qeybo badan Oo kamid ah dalka ingiriiska kadib markii roobab baraf ah Oo ka da’ay qeybo kamid ah dalkaas ay isu bedeleen baraf adke ah.
Taariikhda waa markii ugu horeysay Oo Roobab baraf wata uu ka da’o dal kamid ah qaaradda yurub deetana adke isku bedela.
Waxa uu saameyn weyn ku yeeshay barafkaan adkaha isku bedelay gudaha dalka ingiriiska iyadoona meelaha qaarkood lagu daadiyay milix barafka dhalaaliya.
Busteejooyinka gaadiidka dadweynaha Ee Magaalada Manchester ayaa hakad la geliyay maadaama jidadka ay daadsan yihiin barafka adkaha noqday.
Marka laga yimaado barafka da’ay ee adkaha isu bedelay sidoo kale waxaa ka jira gudaha dalkaasi neecow qarqaryo wata oo dadku ay aad ugu dhaxamoonayaan.

