Kooxda Liverpool ayaa guul cariiri ah kagaartey kooxda AJax oo marti ku,aheed garoonka Anfield ciyaar qeeb ka’aheed Uefa Champions League 2:1,
ciyaarta ayaa kubilaabatey qaab difaaceed ahaan ay labada dhinac ciyaarayeen Liverpool iyo AJax ,
lakiin Liverpool oo garoonkooda Joogta ayaa latimid goolka koobaad ee ciyaarta waxaana gool udhaliyey weereryahankooda mohamed Salah Daqiiqadii 17 waxayna dheesha sidaasi kunoqotey 1:0,
Ajax ayaa isdhiibin waxayna raadin ugashay goolka barbaraha waxaana Daqiiqadii 27 goolka barbaraha udhaliyey xidiga M,Kudus 1:1,
waxaa sidaasi lagu kalamarey qeebtii hore ee ciyaarta markii dib leysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loofilan karey ,
Daqiiqadii 89 waqtigii dhimashada Liverpool ayaa heshay goolka guusha waxaana udhaliyey difaacooda Joel Matip 2:1,
ugu dambeentii ciyaarta ayaa sidaasi kusoo dhamaatey oo ay Liverpool guul 2:1 ah kaqaadatey kooxda Ajax Amisterdem.