waxaa caawa laciyaari doonaa kulamo katirsan koobka Horyaalada Urepe ee Uefa Champions League waxaana kuwada balansan kooxaha kala ah Bayern Muchen iyo Barcelona ,
kulankaan ayaa kadhicidoona garoonka Bayern Muchen ee Allianz Arena oo laxasuusto in Barcelona halsano kahor xasuuq ba’an loogu geestey kadib markii loogu badiyey goolal gaareya 8/2 ,
Barcelona ayaa caawa awoodeeda ubacbacdhigi doonta Bayern Muchen ciyaar katirsan Champions league ,
Barcelona ayaa dhammaan ciyaarihii ay soo ciyaartey soo xareysey 13 dhibcood horyaalka laliga waxayna Barbaro gashey hal kulan ,
Halka ay Bayern Hogaamineyso Horyaalka Germalka waxayna barbaro galeen labo kulan dhammaan kulamadii ay ciyaartey ,
Bayern ayaa kulankii koobaad ee champions league guul kasoo gaartey Naadiga inter Milan 2:0, Halka ay Barcelona ay iyana guul kaga daahfuratey ciyaartoodii koobaad ee Horyaalka Uerope ee Champions league Xilli uu sidexley saxiixey Lewandowski,
Ciyaartaan ayaa bilaaban doonta caawa 10:0pm xiliga geeska Africa Garoonkana waa Allianz Arena,
ciyaaraha kale ee Uefa Champions League ladheeli doono waxaa kamod ah Groupka A , Liverpool iyo Ajax waxaana lagu ciyaari doonaa Garoonka Anfield Caawa 10:0pm,
sidoo kale kulamada waxaa wada kulmi doona Olympique Marsille iyo Entracht Frankfurt garoonka Olympique Marsille lagu ciyaari doono ,
ciyaarta ugu dambeyso waa kooxaha Fc Porto iyo Club Brugge waxaana marti looyahay kooxda Fc Porto oo Gurigeeda joogta ,
dhammaan ciyaaryahaan waxay soo gali doonaa caawa saacada marka ay tahay 10:0pm waxaana ugu adag ciyaarta udhaxeysa Bayern iyo Barcelona.