kooxda Real madrid ayaa guul raaxo ah kagaartey naadiga Real Mallorca oo marti kuaheed garoonka santigo Bernabue 4:1,
ciyaartaan ayaa ku bilaabatey si qabooban oo ay labada dhinac kubadaha isku dhiidhiibayeen walow ay Real madrid qeebtii hore oo dhan ay kudhibtootey Afka hore ee goolka waxaana ciyaartaan dhaawac kaga maqnaa Benzema waxaana booskiisa ciyaaraayey Hazard,
kooxda martida aheed ee Real Mallorca ayaa dhalisey goolkeeda koobaad waxaana udhaliyey xidiga weererka ah ee Vedat Muriqi 1:0 Daqiiqadii 35 ,
Real ayaa wixii intaasi kadambeeyey qaadeysay weeraro dag deg ah si ay uhelaan goolka barbaraha ah lakiin Daqiiqadii 45+3 ayey dhalisey goolka barbaraha waxaana udhaliyey xidiga khadka dhexe ee Federico Valverde 1:1,
waxaa sidaasi kudhamaatey qeebtii hore ee ciyaarta markii dib laysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey ,
Daqiiqadii 72 Real ayaa hogaanka dheesha lawareegtey waxaana 2:1 kadhigey Vanicious junior ,
Real ayaa sii wadey goolasha waxaana goolka sidexaad ukeeney Rodrygo goes 3:1 waqtigii dhamaadka ahaa Daqiiqadii 93+3 Kubad free kick aheed oo ay Real soo laadey waxaa dhameestirey Antonio Rudiger oo Real udhaliyey goolkiisa ugu horeeyey ee kooxda 4:1,
waxaa sidaasi ku soo dhamaatey ciyaarta oo ay Real madrid ku soo laabatey Hogaanka horyaalka Spain ciyaartaan ayaa aheed Laliga oo ka qabsoontey Garoonka Santiago Bernebue.