Kooxda kubada cagta Bianneri ayaa barbaro niyo jab ah lakulantey xalay ciyaar katirsaneed horyaalka Serie A waxaana bareejo ay lagashey naadiga Selernitana 2:2,
ciyaar aad uxiiso iyo xamaasad badneed oo ay laba dhinac wada qaateen red card ama roose waxaana labo kamid ah loo taagey juventus halka kaleyna ay qaateen kooxda Selernitana,
ciyaartaan oo ku bilaabatey weerer iyo weerar celis ayaa waxaa goolka kuhormaryey kooxda Selernitana Daqiiqadii 18 waxaana udhaliyey xidiga lagu magacaabo Andre Candreva 1:0,
kooxda martida loo ahaa ee Selernitana ayaa Hogaanka ciyaarta sii dheereysatey waxayna heleen goolka labaad waxaa usaxiixey Daqiiqadii 45+5 gool rigoore udhaliyey K , Piatek 2:0,
waxaa sidaasi lagu kalamarey qeebtii koobaad ee dheesha kooxaha Selernitana iyo Juventus kheebtii labaad markii dib leysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey,
Juventus ayaa waxay latimid hal gool waxaana usarifey xidiga G, Bremer Daqiiqadii 51 ee ciyaarta 2:1,
Juventus ayaa goolka barbaraha latimid waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu darey 90+6 waxaana goolka ukeeney L, Bonucci ,
waxaa daqiiqadahaas 90+6 red card ama roose loo taagey A,milik iyo J, coardrado oo kawada tirsen juve halka F,Fazio oo katirsen Selernitana roose loo taagey ,
ugu dambeentii ciyaarta ayaa sidaasi ku soo dhamaatey barbaro 2:2 oo ay ku heshiyeen Selernitana iyo Juventus ciyaar qeeb ka aheed Serie A italia.