Kooxda Bvarians ayaa taako waqti dambe ah kagashey naadiga Stuttgart oo ku soo booqatey garoonka Allianz Statium 2:2 ciyaar qeeb ka aheed Horyaalka Bundesliga Germany ,
BAyern ayaa ciyaartooydeeda muhiimja ah udhigatey Kulanka Uefa champions league oo ay adbuucan laciyaarayeen Barcelona udhigatey macalin Jules Negelsmann ayaa shaxdiisa ku sameeyey isku dhaf wuxuuna nasiyey xidigaha qaar si ay taam buuxda ugu noqdaan champaha,
muchen ayaa gool heshay qeebtii koobaad ee dheesh waxaanana udhaliyey Daqiiqadii 36 xidiga Dayarka ah ee Mathys Tel wuxuuna ciyaarta kadhigey 1:0 oo ay hogaanka kuheyso naadigiisa Bayern muchen ,
waxaa sidaasi lagu kal marey qeebtii koobaad ee ciyaarta markii dib leysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey ,
Daqiiqadii 57 ayey kooxda Stuttgart heshay goolka barbaraha ah waxaana udhaliyey laacibkooda Fuhrich oo ciyaarta kadhigey 1:1,
wixii intaasi kadambeeyey Bayern ayaa soo galisey xidigaheeda waawen qaarkood lakiin aan ciyaarta waxba kusoo kordhin ,
waxaa Bayern muchen goolkeeda labaad ukeeney xidiga Jamal Musiala Daqiiqadii 60 waxayna dheesha sidaasi kunoqatey 2:1 oo ay kuhogaaminayaan munchen,
Daqiiqadii
90+2 naadiga Stuttgart ayaa heshsy Penalt waxaana gool ubadaley xidiga Guirassy 2:2,
ugu dambentii dheesha ayaana sidaasi kuaoo idlaatey ciyaar katirsaneed Bundesligaha Germany oo kaqabsoontey garoonka Allianz Stadium oo ay lee dahey Bayern muchen.