Kooxda Barcelona ayaa guul sahlan kasoo heshey kooxda Cadiz oo ay ku booqdeen garoonkeeda 4:0,
ciyaarta ayaa lahakiyey daqiiqado waxaana qeebta koobaad ay labada kooxood ay isku dhaafi waayeen barbaro 0:0 ah,
markii dib leysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey barcelona ayaana inta badan isbadel kusameysay shaxdooda ayagoo nasiyey xidigaha waaween ee safka koobaad waxayna udhigteen koobka horyaalka Uefa champions league oo ay Asbuucaan labalansan yihiin Bayern muchen,
Daqiiqadii 55 Barcelona ayaa hogaanka dheesha lawareegtey waxaana gool udhaliyey frenkie De Jong wuxuuna ciyaarta kadhigey 1:0,
Barca ayaa duulaankeeda meesha kasii wadey waxayna latimid goolka labaad waxaana udhaliyey Robert Lewendowski Daqiiqadii 66 ciyaarta waxayna ciyaarta sidaasi kunoqotey 2:0,
waxaa sii socdey weerarada ay Barcelona ku qaadeyso kooxda Cadiz ayagoona iska caabin waayey weererka Bulgrana oo halis markastaba waxyeelo ugeysanaayey Daqiiqadii 86 ayey Barca dhalisey goolka sidaxaad waxaana udhaliyey Ansu Fati oo caawin kahel Lewandowski 3:0,
90+2 Ayey Barcelona hogaanka ciyaarta sii dheereysatey Waxaana udhaliyey Ousmane Dambele oo caawin kaga timid saaxiibkiisa Robert Lewandowski 4:0,
ugu dambeentii ciyaartii udhaxeysay Cadiz iyo Barcelona ayaa sidaasi usoo idlaatey 4:0 ciyaar katirsaneed Horyaalka Laligaha dalka Spain waxayna si kumeel gaar ah ku qabteen laligaha.