Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa inuu yahay boqorka cusub ee UK, ka dib munaasabad lagu qaban doono qasriga St James’s ee London saacadaha soo socda.
Boqorada Elizabeth wiilkeeda curadka ah ayaa si toos ah u noqday boqor, ka dib dhimashadeeda.
Dhinaca kale, magaalada Edinburgh ee caasimada Scotland waxaa ka bilowday diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta naxashka boqoradda.
Waddooyinka ayaa la xiray, waxaana la sameeyay baro koontorool. Naxashka ayaa la filayaa in laga qaado qalcadda Balmoral halkaas oo ay ku geeriyootay, waxaana Axadda la geyn doonaa qasriga Holy-rood-house ee Edinburgh.
Waxaa la filayaa in intaas ka dib, dadweynaha loo oggolaado inay arkaan naxashka ka hor inta aan la geyn London maalinta Talaadada ah.