Wararka ka imaanayo degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlada Soomaaliya aya saakay Howlgal ka sameeyen Deegaano badan ee hoostaga degmadaasi.
Ciidamada Dowlada ayaa Bur-buriyey Doomo ku xernaa wabiga shabeelle kuwaas oo ay sheegeeyn in ay ka gudbi jireeyn xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo baxsad ka ahaa howlgalada ay wadaan Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanayo dadka deegaanka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hogaamineeysay ayaa sheegay in aysan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeeyn Ururka Al.shabaab, ujeedka ugu weyn ee howlgalka ayaa ahaa in la jaro Doomo yar yar oo Wabiga ku xernaa kuwaas oo Saacadahii ugu danbeeyey Al.shabaab ay isticmaalayeen.