Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isla-markaana loo yaqano ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan weerarkii ay Al-Shabaab ee duleedka magaalada Beledweyne, kaas oo lagu laayey dad shacab ahaa, laguna gubay ku dhowaad 10 gaari.
ATMIS ayaa sheegtay in ka go’an tahay inay la shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab, loona helo amni iyo xasillooni buuxda.
Sidoo kale waxa uu howlgalku tacsi u diray ehellada dadkooda lagu laayey deegaanka Afar Irdood ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay weerar kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.
Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof, halka lagu gubay illaa 7 gaari oo ay la socdeen shacabki la laayey.
Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.
Weerarkan ayaa imanya xilli Hiiraan ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.