kooxda Ac milan ayaa guul dirqi ah kagaartey naadiga Inter milan ciyaartii loogu magac darey Derby Milaano oo ay labada koox ee isku magaalada ah kuwada kulmaan sanad kasta waana Derby Della modonnina 3:2,
ciyaarta derbiga aheed ayaa ku bilaabtey weerer iyo weerar celis ah oo ay labada naadi ay isku qaadaayeen ,
Daqiiqadii 21 ayey Inter hogaanka ciyaarta lawareegtey waxaana gool udhaliyey xidiga marcelo Brozoric waxayna ciyaarta sidaasi ku noqotey 1:0,
kooxda Ac milan ayaa bilaawdey in ay raadiyaan goolka loogu hogaaminaayo waxaana inrer halis ku ahaa R, leao ,
Kooxda Ac milan ayaa latimid goolka barbaraha waxaana udhaliyey weereryahankooda reer Portugal ee Refael Leao wuxuuna ciyaarta kadhigey 1:1,
waxaa sidaasi lagu kala marey qeebtii koobaad ee ciyaarta markii dib leysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loofilan karey,
Daqiiqadii 54 kooxda Ac milan ayaa hogaanka qabatey waxaana goolka labaad udhaliyey weeranhanka lagu magacaabo Oliver Giroud 2:1
Waxaana goolkani kacaawiyey Leao,
Daqiiqadii 60 ayuu goolkiisa labaad ahaana goolka sidexaad ee Ac milan udhaliyey 3:1,
kooxda Inter ayaa naf iska raadisey waxaana gool usoo celiyey xidiga E, dzeko kubad birta kabeenisey henric makhatrian 3:2,
ugu dambeentii dheesha ayaa sidaasi ku soodhamaatey oo ay Ac milan 3:2 kaga adkaatry Kooxda ay xifiiltamaan ee Inter milan ciyaartii Derby Della modonina waxayna qeeb ka aheed horyaalka sirea italia.