kooxda Aston villa ayaa taako udhigtey kooxda manchester city oo ay marti ku ahaayeen garoonkooda villa park ciyaar mustaqbalka Macalin Gerrard ku xerneed 1:1,
ciyaarta ayaa citizens aad ugu adkeed qeebtii hore ee dheesha kubada city ayaa ku wacneed lakiin waxaa diidey goolka oo ay kubadaha birta garaacaayeen ,
waxaa sidaasi lagu kala marey qeebtii koobaad ee ciyaarta labada dhinac Astin villa iyo Manchester city 0:0,
markii dib laysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan ee goolal loo filan karey ,
Daqiiqadii 50 ayey manchester city heshay goolka koobaad waxaana udhaliyey Haaland oo caawin kahelay saxiibkiisa Debruyne 1:0,
lakiin kooxda Aston villa ayaa raadin ugashay raadinta goolka barbaraha waxeyna weerer kuqaadey goolka man city ,
Daqiiqadii 74 ayey Aston Villa dhalisey goolka bareejaha ah waxaana udhaliyey Leon Baily wuxuuna ciyaarta dhaligey 1:1,
ugu dambeentii ciyaarta ayaa ku soo dhammaatey 1:1 oo ay ku heshiyeen kooxaha man city iyo Aston Villa oo badbaadisey macalinkeeda stevan Gerrard oo qatar kusugnaa oo loo sugaayay kaliya in uu guul dareesto ,
ciyaartaan ayaa kadhacdey garoonka Aston Villa xilli ay maanka ku haayeen in ay hogaanka horyaalka premier league qabato kahor kulanka Man u iyo Arsenal lakiin taako kala kulantey Aston Villa 1:1 ayeyna kula baxeen villa iyo city.