kooxda lagu naaseeso Hammers ayaa lasoo wareegtey xidiga naadiga Olympipu lynnais ee Lucas Paqueta kasoo ay ku garaaceen saxiixiisa naadiga Arsenal,
westham ayaa SiRasmi ah ula soo wareegtey paqueta lacag dhan 51 million oo pound lakiin marka hore dhiibi doonta 36.4 million iyo marka lagu daro qaab ciyaareedkiisa kooxda uu ku soo bandhigo,
Lucas Paqueta oo ah xidig reer Brazil oo 25 sano jir ah ayaa suuqaani oo dhan lala xiriirinaayey kooxaha England ,
macalin David moyes ayaa xidigaan u arka in uu kooxdiisa wax badan kusoo kordhinkaro marka loo eego awooda uu uleeyahay kaciyaarista numberka 8 iyo kan 10 kasoo uu aadka ugu ciyaaro ninkaan reer Brazil ee paqueta,
westham ayaa xidigaan kasaxiixatey heshiis gaaraya shan sanadood ah oo lagu darey halsano oo dooq ah,
xidigaan ayaa sanadkii 2019 yimid yurub wuxuuna kasoo dhaqaaqey horyaalka wadanka Brazil kooxda kaciyaataee Flamango waxaana lasoo wareegtey Ac Milan 18 bilood 44 muuqasho inta oo uu joogey milan wuxuuna kubiirey kooxda lyon september 2020,
wuxuuna lyon usaftey 80 muuqasho asigoona dhaliyey 35 goal iyo 14 caawin oo horyaalka France ah,
westham ayaa xidgaan Lucas Paqueta uxiridoonta no 11 xidigaan ayaa kaciyaari kara boosas kala duwan oo khadka dhexe ah ,
waxaana maalmaha soo aadan lagu soo bandhigi doonaa Garoonka Westham united ee London stadium waana xidii afaraad ee macalin moyes uu sameeyo wuxuu horey ulasoo wareegey,
xidigaha kala ah Scamacca Emerson Palmeiri Maxwel cornet hadana waa Lucas Paqueta.