Dawladda Soomaaliya ayaa la soo gaarsiiyey illaa 1,645,600 oo ah tallaalka xanuunka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay ku deeqeen dalalka Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech.
Dalalkan ayaa deeqda tallaalka ah u soo marsiiyey Soomaaliya, hannaanka qaybinta tallaalka COVID 19 ee COVAX. Illaa haatan tirada shacabka Somaaliya ee dhamaystay labada tallaal ee xanuunka COVID 19 ayaa gaaraya illaa 2.3 million oo qof, halka in kabadan 1.9 million oo qof ay qaateen qayb ka mida tallaalka.
hayโadda UNICEF ayaa sheegtay in wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo ka hadlayey munaasibadda lagula wareegayey tallaalkan uu u mahadceliyey dalalkii ku deeqay tallaalkan.
โWaxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha dad badanโ ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.
Isaga oo hadalkiisa sii raaciyey, inay tallaalkan heleen xilli aad u muhiim ah, maadaama ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo aad u daran oo sababtay barakac xooggan, waxaana taasi ay keenaysaa in dadka danyarta ahi u nuglaadaan in xanuunadu ay ku dhici karaan.
Xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa haatan qarka u saaran inay isu rogto macaluul baahsan, waxaana haatan ay abaaruhu saameeyeen illaa 7.7 million oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah, halka illaa 1 million oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya.