Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay kulan casho ah oo loogu sameeyay Madaxtooyada DG Puntland kaddib kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas Siciid Cabdullaahi Deni & Ku xigeenkiisa.
Madaxtooyada Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay kulamadaas ayaa sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu mudnaanta siiyay xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha Federaalka & heer Dowlad-Goboleed, la dagaalanka waxa loogu yeero “Argagixisada” & dib u heshiisiinta.
Waxaa barbar socday kulamo wadatashiyo ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay Isimada dhaqanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan horumarka & adkeynta Dowladnimada.