kooxda blues ayaa laku lantey guuldarii ugu horeysay ee horyaalka primeir league waxaana shalay ka adkaatey naadiga Leeds united oo ay marti uahaayeen,
chelsea oo ka muuqatey habacsanaan ayaa waxaa lagu qaadaadey weeraro is bada joog ah oo lagu qasbay in goolka koobaad laga dhaliyey,
Daqiiqadii 33 Leeds ayaa heshay goolka koobaad waxaa usaxiixey xidiga Brenden Aaronson waxaana goolkaan qaladkiisa lahaa mendy oo kubad ay uceliyeen xifaacyadiisa laga dafay 1:0,
Daqiiqadii 37 Leeds ayaa latimid goolkeedii labaad waxaana udhaliyey Rodrigo kadib free kick madax kudhaliyey waxaana qaladkaasi galay sterline ,
waxaa sidaasi lagu kala marey qeebtii koobaad oo ay leeds hogaanka ku heyso kheebtii labaad markii kib laysku soo laabtey kooxda leeds ayaa sii waday weerarka ay ku aheed kooxda chelsea oo ku soo booqdeen Elland Road ,
Daqiiqadii 69 ayey heshay goolka 3:0 Jack Harrison wixii intaa kadambeeyey Leeds ayaa gashay difaac ayagoona ilaashanaayey goolasha ay leeyihiin Daqiiqadii 84 waxaa kaarka cas lootaagey Koulibaly oo qaatey kaarkiisa labaad ,
chelsea ayaa ciyaarta aad ugu jah wareersaneed waxaa daqiiqa ugu horeeyey gool udhaliyey Rahim sterling lakiin Off side waxaa kujirey Kia Havert ,
waxaa sidaasi kusoo gaba gaboowdey ciyaarta oo ay leeds afka ciida dhulka udartey chelsea oo marti ku aheed Elland Road waana asbuucii 3aad ee primier league.