kooxda Barcelona ayaa guul raaxo leh kasoogaartey naadiga Real sociedad oo ay marti ugu ahaayeen garoonkeeda 4/1,
Barca ayaa durba goosha gaartey daqiiqadii 1aadba waxaana shabaqa soo taabtey Roberto lewandowski lakiin Daqiiqado yar kadib Real Sociedad ayaa heshay goolka barbaraha waxaana udhaliyey Alexander Isak ,1:1,
waxaa sidaasi lagu kala marey qeebtii hore ee dheesha markii dib laysku soolaabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey Daqiiqadii 66 ousame Dembele ayaa hogaanka usii dheereyey kooxda Catalans wuxuuna ciyaarta kadhigey 2:1 oo ay leedahay kooxdiisa Barca,
wixii intaasi kadambeeyey Barcelona ayaa sii wadey weerada ay kuqaadeysay Rea Sociedad ,
Daqiiqadii 68 Robert Lewandowski ayaa xalay isku muujiyey kooxda Barcelona wuxuuna dhaliyey goolkiisii labaad 3:1 ay hogaanka kuheyso Barcelona ,
xidiga usoo baxay Barcelona ayaa gool aad uqurux badan udhaliyey kooxdiisa Ansu Fati ayaa ciyaarta hurdo dheer usii dirtey 4:1 oo ay Barcelona kuleedahay Real Sociedad ,
ugu dambeen ciyaarta ayaa sidaasi kusoo dhammaatey ciyaar katirsaneed Horyaalka Laliga dalka Spain asbuucii labaad waxayna haaten ay Barcelona leedahay 4 dhibcood.