kooxda Newcastle ayaa garoonkeeda St James Park barbaro kula gashay kooxda city oo marti ku aheed halkaas 3:3 ciyaar aad uxiiso badneed oo kadhacday garoonka Newcastle united,
ciyaartaan ayaa ku bilaabatey dardar xoogan oo ay qaadaayeen labada xoogood man city iyo Newcastle united waxayna abuureen fursado badan Lakiin Daqiiqadii 5 aad manchester city ayaa lawareegtey hogaanka ciyaarta waxaana gool udhakiyey i Gundongan 1:0 waxaana caawin kahelay B Silva ,
kooxda magbias ayaa isdhiibin waxaana waxayna latimid goolka barbaraha waxaana 1:1 kadhigay ciyaarta Daqiiqadii 28 Almiron oo caawin kahelay Saint maximin ,
Newcastle ayaa hogaanka ciyaarta lawareegtey kadib markii ay dhalisey goolkeedii labaad c Wilson oo markale caawin kaga timid saint maximin ,
waxaa sidaasi lagu kala marey qeebtii hore ee dheesha markii ,
markii dib laysku soo laabtey ciyaarta kooxda Newcastle united ayaa sii dheereysatey hogaanka waxaana 3:1 kadhigey K Trippier oo kubad laad xor ah udhaliyey kooxdiisa Newcastle united qeebtii labaad ee dheesha,
wixii intaasi kadambeeyey man city ayaa dardar galisey Daqiiqadii 60 ayuu E haaland usoo celiyey man city gool wuxuuna ciyaarta dhligay 3:2 oo city loogu horkacaayo kubad qeerul vaadi aheen ee uu dhiibay De brunye ayaa waxaa dhameestirey B Silva ciyaarta ayaana sidasi ku noqotey 3:3,
ciyaarta ayaana sidaasi kusoo idlaatey barbarahaas oo ay galeen Newcastle dhigooda man city oo marti ku aheed St James Park waana isbuucii 3aad ee primeir league.