Kooxda Arsenal Gunners ayaa guul 3:0 kasoo gaartey kooxda Bournemouth oo ay ku booqatey garoonka Vitality Stadium ciyaarta ayaa kubilaabatey dardar o ay qaadeysay Arsenal ,
kooxda martida aheed ee Gunners ayaa kusareeysay heysashada kubada kheebtii hore ee dheesha Daqiidadii 5aad ayey Arsenal latimid goolka koobaad oo ay xili hoteyba shabaqa soo taabatey waxaana usaxiixey Captinkooda Martin รธdigaard ,
Arsenal ayaa sii waday weerarka ay kuqaadeyso dhigeeda Bournemouth oo garoonkeeda joogta Daqiiqadii 11aad ayey Gunners heshay goolkeeda 2aad waxaana mar kale shabaqa ku laabtey รธdigaard ciyaarta ayaa sidaasi ku noqotey 2:0 oo ay ku hogaamineyso Arsenal,
waxaa sidaasi lagu kala marey qeebtii hore ee ciyaarta 2:0 ay Gunners ku lerdahay Bournemouth markii dib laysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey ,
Arsenal ayaa dheereysatey daqiiqadii 54aad waxaana goolkiisii ugu horeyey udhaliyay difaacooda william Saliba oo gool aad uqurux badan udhaliyey Arsenal wuxuuna ciyaarta kadhigay 3:0 ,
Gunners ayaa dhalisey goolka afaraad lakiin waxaa kadiiday Var gool uu dhaliyey G jesus,
ugu dambeentii ciyaarta ayaa sidaasi ku soo idlaatey oo ay Arsenal Hogaanka horyaalka primier league heysa waxayna leedahay 9 dhibcood ayigoo guul kasoo qaadatey Bournemouth oo ay ku booqatey Garoonka Vitality Stadium.