Khadka dhexe ee kooxda lispon ayaa lasoo warinaayaa in lagu kala calafqaatey waxaana ku dhow naadiga Wolverhamton Wanderes lacag gaareysa 45 million lagu darey 5 milion,
xidigaan aya lala xiriirinaayey kooxda Liverpool iyo man u ayaa haatan ogolaaday in uu ku biiro kooxda wolves oo ka ciyaarta Horyaalka Primier league ,
khadkaan dhexe ee reer portugal ayaa haatan ku biiri doona wolves oo lacag gaareysa 45 milion ka gudbisey tasoo ogolaatey Kooxdiisa sporring lispon ,
wolverhmton oo ku caan ah xidigaha portugal ayaa xidigaan u aragta badalka Joao Moutinho oo waqtigiisii ugu dambeeyey ku jira ,
xidigaan 23 sano jirka ah ayaa uduli doono dalka England oo uu tijaabada caafimaad umaridoono maalmaha soo socda wargeeska kasoo baxa dalka portugal Record iyo safaxiga santi Aouna ayaa sheegaya in heshiiskaasi lagu kala calafqaatey ,
matheus Nunes ayaana loolankiisa ku adkaatey wolves oo gacanta kusoo dhigtey xidig khadka dhexe aad xariif ugu ah wuxuu kaciyaari karaa boosaska No6 8 iyo 10, waana laacib tayo leh oo lagu garaacay liverpool iyo kooxihii kale ee aadka baadi goobka ugu jirey maalmaha soo aadan ayaa lafilaya in ay wolves soo bandhigto Matheus Nunes.