Wasiirka Awqaafta iyo Arr. Diinta Soomaliya Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xil. Saalax Shariif Sayid Cali ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Culimada Soomaaliyeed.
Inta uu socday kulanka waxaa talooyin waxtar leh looga dhageystay culimada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ka codsaday Culimada Soomaaliyeed in ay si dhow ula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka bulshadeena, iyadoo sare loo qaadayo Barashada Diinta Islaamka iyo Fidinteedaba.
Matalaayasha Culimada Soomaaliyeed ee kasoo qeybgalay kulanka ayaa balanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaaradda.
Kulanka waxaa kasoo muuqday Cullimo kamid ah Ahlusunna, kuwaas oo Muqtaar Rooboow ka hor inta uusan kusoo biirin dowladda Soomaaliya uu ka aaminsanaa inay yihiin kuwa aan Diinta Islaamka ku Shaqeyn.
Saturday, April 1
Trending
- Xarriirka Kubadda Cagta Ee Aduunka Ee FIFA Ayaa Amartay Xariirka Kubadda Cagta Ee Soomaaliya.
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wasaaradaha Dowladda Ayaa Kulmay,
- Madaxweyne Laftagareen &Odiyaasha Dhaqanka Ayaa Kawada Hadlay Xiisadaha Ka Taagan Beydhaba,
- Madaxweyne Deni Iyo Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland Oo Kulmay,
- Duqa Muqdisho Ayaa Xafiiskii Ku Qaabilay Wafdi Ganacsato Ah.
- Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Ayaa Gaaray Deegaano AS,Laga Saaray,
- Beelo Xurguf Dhexmartay Oo Heshiis Gaaray.
- Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah Ayaa Toogtay Wiil Soomaaliyeed.