William Ruto ayaa ku guuleystay in uu noqdo Madaxweynihii 5aad ee Kenya soo maray tan iyo markii waddankaas uu madaxbannaani ka qaatay Gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1963dii, waxa uu Ruto ahaa Madaxweyne ku xigeenkii xilkaas hayay laga soo billaabo 9kii April 2013.
Guddiga Doorashooyinka & Xuduudaha Kenya oo ku dhawaaqay Natiijada ayaa Madaxweynaha la doortay ee William Ruto ku sheegay natiijadiisa in ay dhan tahay 7,176,141 ) oo u dhiganta 50.49%.
Musharraxa uu uga adkaaday tartanka Doorashada Madaxweynaha ahna Raβiisul Wasaarihii ku aaminay in uu qabto Wasaarado ay kamid tahay tan Waxbarashada ee Raila Odinga oo helay 6,942,930Β oo ka dhigan 48.85%.
Guddiga Doorashada & Xuduudaha Kenya ee leh awoodda Shaacinta Natiijada ayaa isku khilaafay natiijada, waxaa diiday shaacinta in Ruto oo yahay Madaxweynaha la doortay 2022 xubno katirsan GuddigaMadax kala duwan, Ururro & dhinacyo kale oo Indhaha ku hayay natiijada doorashada iyo sidii ay u dhacday ayaa bogaadiyay Madaxweynaha La doortay ee Xafiiska kala wareegaya Uhuru Kenyatta oo xoog & xeeladba isugu geeyay in uu soo saaro Musharraxa laga adkaaday ee Raila Odinga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay Barta ay ku leedahay Twitter-ka waxa ay ugu hambalyeysay William Ruto xilka uu ku guuleystay iyada oo u rajeysay in uu is baddel muuqda u horseedo Kenya.
Sidaas oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal gaar ah uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu Ruto u rajeeyay in uu xoojiyo wadashaqeynta & xiriirka.
Raβiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhankiisa William Ruto kula taliyay in uu xoojiyo Danaha Gobolka & in uu Dalkiisa iyo Dadkiisba ku hoggaamiyo dhabbaha horumarka nasiib wacan arrintaas uu u helo.
William Ruto, Madaxweynaha la doortay ee Kenya waxaa horyaalla wax ka qabashada caqabadaha dalkiisa heysta oo uu waaya-arag u yahay maadaama uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dalkaas labadii waqti doorasho ee Uhuru Kenyatta.