kooxda manchester city ayaa heshiis lagaartey xidig kaciyaara difaaca bidix ee Sergio Gomes kasoo ay kala heshiyeen kooxda Kadhisan wadanka Belguimka ah Anderlecht ,
xidigaan ayuu Pep Guardiola u arkaa bedelka zenchenko oo aaday Kooxda Arsenal lacag gaareysa 25 million oo pound ku aaday Magaalada london Asigoona halkaasi kula midoobay Gabriel Jesus oo kahoreyay isaga,
macalinka reer Spain ayaa ku guul dareestey in uu lasoo wareego difaaca bixid ee kooxda Brighton oo uwareegay Chelsea ,
Pep ayaana suuqa ugalay in uu helo difaac bixid oo uu badal ugu dhigo Walker oo kali ku ah booskaasi xidigaan 21 sano jirka ah ayaa citizens kusoo qaadan doonta lacag gaareysa ilaa 11 ilaa 13 million ay kula soo saxiixdaan heshiis gaareya afar sano ,
Sergio Gomes ayaa Anderlecht usaftey 49 ciyaarood macalinka kooxdaasi Ee vincet Kompany oo horey ugu soo ciyaarey city ayaa laga yaabaa in uu xidigaan ugolaado inuu aado man city ,
Sergio Gomes ayaa saxiixiisa lagu dhawaaqi doonaa maalinta khamiista oo loo soo bandhigidoono warbaahinta asigoo xeran maaliyada city wuxuuna kooxda man city uqaadan doonaa no-21 ee uu horey uwadan jirey David Silva, city ayaa lagu garaacay marc cucurola oo aaday chelsea maalmo kahor lakiin haaten ayey heshay xidig kadheela booska bidix waana Sergio Gomes oo ay kala heshiyeen kooxda Anderlecht .