Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah Xubnihii Al-Shaaab ee ku sugnaa deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur.
Faah faahin dheeri ah weli lagama helin khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka degaanka Baruujeed ku dhexmaray Ciidamada Galmudug & Al-Shabaab marka laga reebo sheegashada Maamulka degmada Ceelbuur ee ah dilka laba Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.
Masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay u sheegeen in hawlgallo ka dhan ah AlShabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galgaduud si Al-Shabaab looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.
Previous ArticleSidee Ayuu William Ruto Guul Uga gaaray Doorashadii Kenya
Next Article Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ayaa Guddi Magacaabay.
Related Posts
Add A Comment