Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji ayaa si adag uga jawaabay eedeymo culus oo dhawaan u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi, oo isugu ku sheegay “lugooyada xisbiga Waddani”.
Guddoomiye Xirsi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Muuse Biixi, xili laga sugayay inuu ka garaabo dhibaatadii amarkiisa lagu fuliyay, sida uu sheegay.
“Madaxweynaha waxa dadka ka filayeen in wixii dhib uu geystay ee amarkiisa ku baxay uu damaanadeeda tuurta ku qaado oo arrinta taagan xalkeeda ku dhawaaqo laakiinse waxa uu ku dhawaaqay xiqdi ku jiray iyo cudur ku hila oo Xirsi la yidhaahdo,” ayuu yiri Guddoomiye Xirsi.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa kusii daray “Hadalka aad Waddani ka hadashay haddii lex-jeclo ka tahay kusoo biir Waddani waa kugu soo dhaweynayna. Waddani astaantaas ayuu leeyahay waa lagu soo kala horeeyay lama kala lXirsi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu lumiyay haybadii xisbul xaakimka Kulmiye, oo ay ka huleeleen siyaasiyiin badan oo miisaan lahaa, kuwaasi oo qeyb ka ah ururada cusub ee dhawaan lagaga dhawaaqay gudaha Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan si la yaab leh uga hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xisbiyada mucaaradka iyo taageeraayaashooda ay ka dhigeen magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.
Muuse Biixi ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ay ka leexdeen wadadii wada-hadalka, isaga oo guddoomiyaha xisbiga Waddani ku tilmaamay mid lugeynayo xisbiga, islamarkaana iska indho-tirayo sharciga/
Si kastaba, Hogaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhankooda sheegay inay sii wadi doonaan bananbaxyada ka dhanka ah xukuumadda ilaa iyo inta Madaxtooyada ka bilaabeyso doorashada Madaxweynaha Somaliland.
Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland ayaa weli isu goodinaya, dhinac weliba waxa uu sheeganayaa in uu ku taagan yahay dhabbaha dastuurka uu ogol yahay halka ay isku tuur-tuurayaan khasaaraha ka dhashay rabshadihii sababay dhimashada iyo dhaawaca.
Tuesday, January 31
Trending
- Xarriirka Kubadda Cagta Ee Aduunka Ee FIFA Ayaa Amartay Xariirka Kubadda Cagta Ee Soomaaliya.
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wasaaradaha Dowladda Ayaa Kulmay,
- Madaxweyne Laftagareen &Odiyaasha Dhaqanka Ayaa Kawada Hadlay Xiisadaha Ka Taagan Beydhaba,
- Madaxweyne Deni Iyo Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland Oo Kulmay,
- Duqa Muqdisho Ayaa Xafiiskii Ku Qaabilay Wafdi Ganacsato Ah.
- Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Ayaa Gaaray Deegaano AS,Laga Saaray,
- Beelo Xurguf Dhexmartay Oo Heshiis Gaaray.
- Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah Ayaa Toogtay Wiil Soomaaliyeed.