kooxda the blues Chelsea ayaa garoonkeeda Stanford Bridge barbaro 2:2 ah kula gashay naadi ay ku xifiiltimaan magaalada london ee Tottenham spurs oo ku soo booqatey Stanford Bridge ,
ciyaarta ayaa ku bilaabatey waji dagan oo ah is gaad gaad ama weeraro rogaal celis ah,
Daqiiqadii 19 chelsea ayaa hogaanka ciyaarta lawareegtey Waxaana gool qurux badan u dhaliyey Daafaceeda kalidou koulibaly kubad uu dhanka koornaha kasoo qaaday Cucurela ,
waxaa sidaasi lagu kala kala maray qeebtii hore ee ciyaarta oo ay 1:0 ku hogaamineyso chelsea ,
markii dib laysku soo laabtey labada dhinac aya sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey ,
Daqiiqadii 68 Tottenham ayaa heshay goolka barbaraha waxaana udhaliyey laacibkeeda reer Gabon ee Pierre_Emile Hojbjerg wuxuuna ciyaarta kadhigay 1:1,
ciyaarta ayaa sii kulu laatey wixii intaasi kadanbeeyey Daqiiqadii 77 ayey chelsea dhalisey goolka 2aad waxaa gool udhaliyey Reece James oo caawin kaheley Rahim sterlong,
Tottenham ayaa cadaadis xoogan saartey chelsea ayigoo doonaayey in ay helaan goolka barbaraha Daqiiqadii 90+6 Ayey spurs latimid goolka barbaraha waxaana madax kudhaliyey weerar yahankooda Harry Kane kubad katimid dhinaca gees kalaadka wxayna ciyaarta noqotey barbaro 2:2,
ugu dambeentii waxaa si daasi ku soo dhamaatey ciyaartii udhaxeysay chelsea iyo Tottenham oo kadhacday garoonka blues ee stanford Bridge ciyaartii loogu magac darey London Derby oo aalaaba ciyaara kooxaha kadhisan magaalada london.