Kooxda Los Blancos ayaa guul soo laabasho kaga soo laabatey garoonka kooxda Almeria oo ay ku booqdeen 2:1,
ciyaarta ayaa kubilaabatey weerar iyo weerar celis ah waxaana kheebtii horeyba ay Almeria heshay goolka koobaad waxaana gool udhaliyey xidiga reer Nigeria ee Largie Ramazon daqiiqadii 6aad ee kheebtii hore ciyaarta ,
waxaana goolkani qaladkiisa lahaa difaacyada Real madrid oo isfaham waa kala soo dhexgalay tasoo sabab unoqotey in ay weeraryanka Reer Nigeria orod kusoo dhaafay Antonio Rudiger kahib inta uu shabaqa gaarin,
Los Blancos ayaa sameysay fursado badan waxaana isku dayo is daba joog ah sameeyey Fede Velverde iyo Eduardo Camavinga kheebtii hore,
Waxaa sidaasi lagu kala marey qeebtii hore ee dheesha oo ay Almeria ku hogaamineyso 1:0,
markii dib leysku soo laabtey labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey Karim Benzema iyo Vinicius Junior ay soo mareen fursadahaasi xili Almeria ay ku sigatey in ay ciyaarta kadhibto 2:0,
Daqiiqadii 61 ayey Real heshay goolka barbaraha waxaana udhaliyey Lucas Zazquez oo caawin kahelay Benzema waxaa ciyaarta bedel loogu saarey Camavinga oo loo saarey Modric ,
Daqiiqadii 75 Ayey Real ciyaarta hogaandeeda lawareegtey waxaana goolka guusha ukeeney Xidiga difaaca ee David Alaba oo badel kuyimid intuu uu yaaley bolisiyoonkaasi oo lagu galey Luka modric waxaana frick kick kaas gool ubadaley Alaba oo aheed taabashadiisa kobaad ,
waxaa sidaasi ku soo dhamaatey ciyartii Almeria iyo Real madrid oo 2:1 kaga badisey Almeria.