Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa manta la wareegay gacan ku heeynta deegaanka Teedaan oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay mudooyinkii danbo Maamulayeen ururka Al.shabaab sida uu warbaahinta u xaqiijyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Liibaan Cabdi Cumar oo Bartiisa Facebook Qoraal kooban kusoo qoray.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada ay saakay si nabadgalyo ah kula wareegeyn gacan ku heeynta deegaanka Teedaan kadib markii ay iskaga baxeeyn ururka Al.shabaab oo saldhig ku lahaa.