Kooxda Arsenal Gunners ayaa guul ka qaadatay kooxda Leicester city oo Ku soon booqatey garoonka Emiretes 4:2,
kheebtii hore ee kulanka ayaa lagu kala nastay 2:0 oo ay hogaanka kuheyso kooxda martida loo ahaa ee Arsenal Daqiiqadii 23 Gabriel Jesus ayaa cool Arsenal udaah furey waxaana ka caawiyay saaxibkiisa Xhaka lakii Xidiga deer Brazil ayey shalay u aheed maalin aad uqurux badan daqiiqadii 32 ayuu goolkiisa labaad ukeenay kooxdiisa kubad katimid dhanka koornaha ayuuna oo isku dhacdhacday ayuu madax Ku dhameestirey waxaa sidaasi lagu kala marey qeebtii koobaad ee dheesha,
markii dib laysku soo laabtey labadaddhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karey ,
Daqiiqadii 53 xidida William Salina ayaa fool iska dhaliyey wuxuuna ciyaarta kadhigay 2:1 oo at hogaanka Ku heyso naadigiisa Gunners shan daqiiqo kadib Gunners ayaa latimid gooldeedii 3 aad waxaana udhaliyey Granit Xhaka wuxuuna caawin kahelay Jesus oo shalay ciyaata ushidneed,
74 Daqiiqo Leicester city ayaa latimid goolkeedii labaad waxaana 3:2 kadhigay James Maddison waxaana goolkaani kacaawiyey saxiibkiis Iheanacho lakiin dariiqado yar kadib Arsenal ayaa jabaab ka bixisey goolkaasi waxaana ciyaarta soon xirey oo 4:2 kadhigay Gabriel martinelli waxaana goolkani caawiyey G Jesus oo soo bandhigay ciyaar aad u heer sareysa kulankii shalay,
ugu dambeen ciyaarta ayaa sidaasi Ku soo dhammaanyay oo ay Arsenal 4:2 kaga badisay dhigeeda Leicester city oo marti ku aheed garoonka Gunners waxayna Arsenal haatan leedahay 6 dhibcood.