Taliska Booliska Gobolka banaadir ayaa muqdisho ku qabtay shir looga hadlayay amniga gobolka.
Shirkan oo uu guddoominayay taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka banaadir, waxaana ka qeyb galay taliyekuxigeenada booliska gobolka Banaadir.
Shirkan oo diirada lagu saarayay howlgalka samakaab oo ay booliska ka wadeen xaafadaha gobolka Banaadir, iyadoona ay booliska shaaciyeen waxyaabihii ka qabsoomay howlgalkii samakaab ee muqdisho.
Shirkan ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxay qodobo askariga loogu mamnuucay inuu hub kudhex qaato magaalada.
Taliye Saciid Baryare oo gabagabadii saxaafada la hadlay ayaa sheegay inaysan aqbali doonno Ciidamada sida sharci darrda ah hubka la wareegaya Muqdisho ee dharka shacabka wata ,wuxuuna sheegay inay caqab ku yihiin Amniga Caasimadda.
Sikastaba shirkii maanta u qabsoomay taliska gobolka Banaadir ayaa kusoo dhamaaday jawi qurxoon, iyagoona sheegay inay joogteenayan howlgaladooda.