Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dastuurka dalka muhiim u yahay aqalka sare, islamarkaana howlaha aqalka sare istaagayan ilaa dastuurka waxba laga qaban.
Guddoomiyaha oo hadal furitaan ah ka jeedinayay kala fadhiga 1aad ee golaha aqalka sare ayaa ku celceliyay in aqalku shaqo ay qabanayan aysan jirin maadamo ay xukumadda cusub tahay, isla markaana howshoodu ay tahay saxitaanka dastuurka aysan suurtagalaynin.
Guddoomiye cabdi xaashi ayaa sheegay in saxitaanka dastuurka dib loo dhigayo lagana dhigayo taariikhdu markay tahay 14 Octoober markaas oo uu sheegay in golohu ay isku imaan doonan.