Guddiga Wasiiradda ee dhowaan uu madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe usoo magacaabay Gurmadka iyo qiimeynta Dadka ay saameyeen Dagaaladda Ciidamadda Dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaraya Tuulooyinka u dhaxeeya Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Degmadda Guriceel.
Wafdigan ayaa Garoonka Diyaaradaha Degmadda Guriceel waxa kusoo dhoweeyay Gudoomiyaasha Degmooyinka Matabaan Bashiir Shekeeye iyo Guriceel Faarax fataate, Xillibaano, Saraakiil iyo Masuliyiin kale.
Wafdiga oo kusii jeeda Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan iyo Degaanada furinta dagaalka si loo dhiiragaliyo Ciidamadda Dowladda ayaa waxa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre.