Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay la kulmay Guddiga KMG ee loo saaray baaritaanka dhacdadii fowdada aheyd ee ka dhacday fadhigii Baarlamaanka 7-dii bishan.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa buuxiyay booskii uu ka cudur daartay Xildhibaan Odowaa ee xubinnimada Guddigaas, waxaana uu magacaabay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate.
Gudoomiyaha ayaa kala hadlay xubnahan iney durba shaqa galaan oo ay natiijada baaritaanadooda la soo wadaagaan guroonka baarlamaanka, kahor inta aysan shaacin oo ay bulshada la wadaagin.
Waa dhacdo ugub ku ah Golaha Shacabka in Guddoonka lagu tuuro caag ama wax agab ah, inta badan marka is hortaaga iyo buuq ay sameeyaan Xildhibaannada ayaa dhici jirtay un inay Miiska garaacaan iyo in Makrafoonka jebiyaan ma dhici jirin isku day gacan ka hadal ah oo Guddoonka loola tago.