Waxaa sii kordhayo Khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo shalay galinkii danbo ka dhacay deegaanka Libile oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan kaasi oo udhaxeeyey Ciidamada Deegaanka ama Macamisleeyda loo yaqaano iyo xubno ka tirsan ururka Al.shabaab oo saldhig Cusub ka sameeystay meel aan ka fogeeyn deegaanka uu dagaalka ka dhacay.
Ciidamada deegaanka ayaa weerar ku qaaday Saldhiga Al.shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka libile. Dagaaladan waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhawac aad ufarabadan sida dadka deegaanka Warbaahinta Hiiraanweyn usheegeyn. Dagaaladan ayaa markii danbo gadaal uga biireeyn Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyey ku dhawaad 6 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay libile, ku dhawaad 10 ruux oo kalena dhawac ayaa kasoo gaaray. Saraakiisha Ciiidamada Dowlada ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileeyn Xubno ka tirsan Al.shabaab.
Deegaanka libile oo shalay dagaalka culus ka dhacay ayaa xalay waxaa is kaga baxay ururka Al.shabaab waxaana saakay galay Ciidamada Deegaanka oo kaashanayo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Dhinaca kale deegaanka Hees xalay waxaa ka dhacay dagaalo udhaxeeyey Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ururka Al.shabaab waxaana lasoo warinayaa in uu jiro khasaaro kala duwan. Diyaarado dagaal ayaa shalay ilaa xalay duqeeyn ka waday ka waday deegaano hoos yimaado degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan kuwaas oo Caawinayey Ciidamada Howlgalka wado.