Koooxda kubada cagta manchester city ayaa horyaalka ku bilaabatay guul xili ay ka adkaadeen dhigooga West ham united oo at ku ku booqdeen garoonka ay Ku ciyaarta kooxda West ham ee London Stadium ,
man city ayaa kulanka kusoo gashay shax aad uadag oo ay Ku raadineyso dhibcahooda ugu horeeya say uhelaan waxaa ciyaarta kusoo bilaawday Erling Haaland oo xalay laba gool dhaliyay ,
kheebtii hore ciyaarta ayay Manchester city heshy heshay goolka koobaad daqiiqadii 36 ee ciyaarta oo ahaa rigoore lagu galay Haaland kadib markii uu khalad ku sameeyey goolyaha labaad ee West Ham oo badalay Lukas Fabaniski oo dhaawac ciyaarta looga saaray kheebtii hore ee ciyaarta,
Haaland ayaana peneltigaas ubadalay Gool asigona meel cidlo ah udiray gool haye Rio padrisio waxaa sidaasi lagu kala maray hal iyo waxba oo ay Ku hogaamineyso city ,
kheebtii labaad markii dib laysku soo laabtay labada dhinac ayaa sameeyey fursado badan oo goolal loo filan karay daqiiqadii 62 ayey city hogaanka ciyaarta sii dheereysatay waxaana mar kale shaqaba soo taabtay Eerling Haaland ,
ugu dambeentii ciyaarta ayaana sidaasi kusoo dhammaatay city oo 2:0 kaga soo heshay garoonka ay Ku ciyaarto naadiga lagu naaneeso Hamers ciyaartaan ayaa soo gashay 6:30 oo maqribnimo aheed.