Dowladda Soomaliya ayaa deeq daawo ah waxay gaarsiiyeen isbitaalka guud ee Ceel barde halkaas oo la sheegay in baahi dhanka caafimaadka ah ay ka jirtay.
Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa siday deeqdaasi, isagoo ku wareejiyay isbitaalka guud ee degmada ceel barde.
Deeqdan ayaa qeyb ka ah gargaar ay dhawaan dowladda federaalka ay gaarsiisay gobolka Bakool, halkaaso ay ka dhacen dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab.
Xildhibaan Axmed Sheekh ayaa sidoo kale kormeer ku maray qeybaha kala duwan ee isbitaalka.
Isu duwaha Caafimaadka isbitaalka guud ee degmada ceel barde, Naaleye Cabdullahi Cali oo daawada la wareegay ayaa ugu mahadceliyay xildhibaanada dowladda federaalka ee deeqdani soo gaarsiyay.
Dhankiisa Xildhibaan Axmed Sheekh ayaa ugu baaqay heyaddaha dowladda iyo hey
aadaha kale ee caafimaadka inay ka qeyb qaatan gurmadkaani.