Sida aynu wararka ku heleyno Seddex carruur oo walaalo ah ayaa miino waxay kula kacday deegaanka Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda gobolka togdheer.
caruurta ayaa la sheegay markii ay miinadu la kacaysay ay jireen ari, iyagoona markaliya ay la kacday miinada, waxaase goobta markiiba gaaray laamaha amniga ee gobolka togdheer iyagoona sidoo kale ay dhaawacmen 6 ruux kale.
dadkii kale ee ku dhaawacmay miinada qaraxday ayaa waxaa lala cararay isbitaalka magaalada Burco, iyadoo wararka sidoo kale ay sheegayan, in ay shil gashay ambalaastii siday dhaawacyada.
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ay mar kale gurmad ugu tageen Balli-hiile dadka dhaawaca ah goor dhaweydna la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka weyn ee Burco 8 qof ee dhaawaca ah oo qaarkood ay yihiin ehelada 3 carruurta ahayd ee Miinadu la kacday.