Wararka ka imaanaya dalka Afghaanistan ayaa waxay sheegayan in duqeyn xagga cirka ah lagu dilay hoggaamihii Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Hoggaamiyihii Al-Qaacida Lagu dilay Howlgal dhanka cirka ah oo ay sameeyen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronks.
Joe Bide ayaa duqeyntaasi ku tilmaamay mid cadaalada loogu hiilinayay isagoona ku adkeeyay inay sii wadayan Bartilmaameedka kooxaha Xagjirka ah.
Madaxweynaha oo hadalkani ku sheegay khudbad uu xalay ka jeediyay Telfishinka ayaa sheegay in Ayman-Alzawahiri ay kor kala socden sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu ku dhuumaleysanayay guri ku yaalla Magaalada Kabul halkaasi uu kula noola qoyskiisa, madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu isaga amar ku bixiyay in lafuliyo howlgalkaasi.