Dowladda Mareykanka ayaa digniin hor leh kasoo saaray suurtagalnimada ay ururka alshabaab ku weerari karaan Itoobiya, waxayna sheegeen in Alshabaab ay qorsheynayan inay weeraro xoog leh ku qaadan Kenya isla markaana ku baaqay fiigijnaan.
Mareykanka wuxuu sheegay in Alshabaab ay doonayan bilaha soo aadan inay weeraro ka geeystan Itoobiya loona baahanyahay in feejignaan la galo.
Mareykanka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Alshabaab ay gudaha u galen itoobiya ilaa iyo 150 Kiilo Mitir.
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ururka Alshabaab Muddooyinkii ugu dambeeyay ay xoogga saartay Itoobiya iyagoo la galay dagaalo fool ka fool ah.
Sida Xoggo ay sii daaysay Qaramada Midoobe ay sheegayan Alshabaab ayaa waxay heystaan 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalame, waxayna ku kharash garaysaa 24 milyan oo dollar sannadkiiba.