Faah faahin ayaa kasoo baxaya Qarax saaka ka dhacay degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isgooyska Tarbuunka ee degmada Hodan waxaana lasoo warinaya in lala eegtay gaari ciidan ah balse uu ka badbaaday.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoona la sheegayo in ay ku dhintay labo qof halka mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray.
Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay iyagoona halkaasi ka qaaday meedka iyo dhaawaca.
wixii warar ee kusoo kordha kala soco RBNNEWS.NET