Ciidamada Booliska ee Qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa howlgallo kusoo qabqabtay rag burcad ah iyo agabkii ay wax ku dhacayeen.
Howlgalka oo ay hoggaaminayeen taliye kuxigeenka qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle, taliyeyaasha qeybta Waliyow cadde & Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa waxaa laga sameeyay Xaafadaha Soonakeey & Jaamacadaha, iyada oo lagu soo qabtay rag badan oo lagu tuhmayo burcadnimo iyo Agab mindiyo u badan oo ay wateen.
Ciidmada Booliska Soomaaliya ayaa Habeenadii la soo dhaafay howlgallo joogto ah ka sameeynayay degmooyinka Gobolka Banaadir, iyaga oo uga hortagaya Kooxaha burcadda ah ee dhaca u geysanaya Shacabka iyo Ciyaal weerada.