Waa seddex wiil oo walaala ah oo 20 sano ku xirna gurri iyagoona kadib awoodi wayay inay socdan.
iyaga waxay ku dhasheen caafimaad laakiin waxay naafo noqdeen dhibaatooyin qaarkood oo loo geeystay.
Wiilashan oo lagu magacaabo Augustine oo 27 jir ah, Emiliki oo 28 jir ah, iyo Janet oo 40 jir ah ayaa dhashay iyagoo caafimaad qaba laakiin waxay noqdeen naafo ka dib markii laga helay xanuun keenay inay socon kari waayaan ama ay hadli kari waayan.
Hooyada dhashay carruurtan ayaa sheegtay in iyada iyo ninkeeda ay isku dhaleen 10 carruur ah ka hor inta aanay laba ka mid ahi dhiman.
Siddeeda carruur ee u hartay afar ka mid ah waxaa ku dhacay cudur saameeya awooddooda inay istaagaan, socdaan, hadlaan, ama xitaa wax qabsadaan. Waalidiinta ayaa isku dayay inay ka daweeyaan cudurka, laakiin mid ka mid ah carruurta ayaa u dhintay xanuunka dartiis.
Aabaha qoyska ayaa qaatay go’aan ah inuu qoyska kaligii daryeelo, wuxuuna xaaskiisa faray inay guriga joogto si ay carruurta u daawato, balse markii dambe ayuu shil dhabarka ku dhacay, taasina waxay keentay inuu shaqada ka tago.
Hooyadu waxay qaadatay go’aan ah inay shaqayso oo ay daryeesho qoyska sababtoo ah iyada kaliya ayaan xanuunsanayn, laakiin iskuma keen karto inay carruurta haayso iyo inay shaqada aado, sidaas darteed waxay qaadatay go’aan ah inay ku xirto guriga.
20 sano ayay halkaas ku xirnaayen, ilaa markii dambe ay koox wariyaal ah ay u tagaan kana soo badbaadiyen halka.
Markii la maqlay sheekadooda, dadku waxay siiyeen qoyskii lacag iyo cunto si ay carruurta ugu qaadaan isbitaalka. In kasta oo ay carruurtu weli dhib ku qabaan socodka, haddana xaaladdoodu way soo roonaatay.