Musaabad si weyn loo agaasimay ayaa ka dhacday gobolka galgaduud kaasi oo ay xilka ku kala wareegayeen guddoomiyihii hore iyo kan cusub.
Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada deeganka Lajiide, iyadoona ugu horeynba uu goobta ka hadlay Xasan C/raxman Faarax guddoomiyihii hore ee Lajiide oo muddo lix sanno ah xilkaasi haayay ayaa waxa uu u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee deegaanka Lajiide Bacalwaan Cabdulle Xirsi isagoona u rajeeyay inuu howsha allah ula garab gallo.
Dhankiisa Guddoomiyaha Cusub ee deegaanka Lajiide Bacalwaan Cabdulle Xirsi ayaa guddoomay xilka cusub isagoona balanqaaday inuu howlo muhiim ah ka qaban doono deegaanka, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeyn doono danaha dadka deegaanka.
ugu dambeeyn dadkii kasoo qeybgalay munaasabada ayaa u rajeeyay guddoomiyaha guul uuna allah u fududeeyo shaqada culus.