Ciidamada Qeybta Waliyow Cade ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Waabari.
Howlgallkan oo uu hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska qeybta Waliyow cadde Mahad Axmed Cilmi ayaa ujeedkiisa lagu sheegay ka hortegida dadka lidiga ku ah Amniga, sda ciyaal weerada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysta.
Degmada Waabari ayaa qeyb ka ah degmooyinka laga soo sheegay amni darrada, ciidanka ayaana dhalinyaro badan kusoo qabqabtay howlgalka, iyadoona ay sheegen inay sii wadayaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada.
Muddooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho ayaa kusoo badanayay falalka amni darrada, iyadoona ay aad ugu soo bateen ciyaal weerada oo dhac iyo dil u geystay shacabka soomaliyeed.