Warar la helayo ayaa sheegaya in kulan ay yeesheen madaxweynaha maamulka Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamaanka uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.
Madaxweyne Dani iyo guddomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil kulankooda ayaa ku saabsana sida loo dajin karo xaaalada siuaasada Puntland oo beryahani kacsan, balse labada masuul ayaa isku fahmi wayay.
Dani ayaa bilaabay inuu kulamo gaar gaar ah uu la qaato qaar ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ee puntland si uu uga hadlo sidii xal loogu heli laha xaaladaha jira.
Dani ayaa wajahaya xaalad siyaasaded iyadoona lesku heysto arrimo la xiriira garsoorka.