Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar, isagoona halkaasi ka wada kulamo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wada inuu kulan la qaato madaxa ururka Jaamacada Carabta Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoona kawada hadli doona sidii loo hormarin laha xiriirka ka dhaxeya soomaaliya iyo wadamada ku mideeysan jaamacada carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wada sidoo kale markuu dalka kusoo laabto inuu tagi magaalada garbahaarey ee gobolka gedo si uu u xaliyo arrimaha ka taagan halkaasi.