Kooxda Man United ayaa lagu soo waramaya inay suuqa dhigtay daafaca reer Ivory Coast Eric Baily kaasi oo ay aad u raadinayso Kooxda uu hogaamiyo Macalin Jose Mourinho ee Roma.
Ninkan ayaa kooxda Roma ku dooneysa Adduun dhan 10 Milyan.
tan iyo markii uu yimid Lesandro Martinez waxaa shaki galay booska Eric Baily kaasi oo markiisi horaba keydka ugu jiray Maguire iyo Varane, waxaana haatan lasoo warinaya in xiddiga qudhiisa uu doonayo inuu raadsado koox uu boos joogto ah ka helo.
Baily ayaa ka mid ciyaaryahanada la safray kooxda kuwaasi oo maalmaha soo aadan la ciyaaraya kooxaha Atletico Madrid iyo Rayo Vallecano.