Madaxweynaha JFS Xasan sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa hey’adda USAID marwo Samantha Power, iyagoona kawada hadlay xaaladaha abaarta iyo sidii gurmad loo gaarsiin laha dadku ay abaartu saameysay .
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Samantha Power lawadaagay qorshayaasha hortabinta leh, iyo qaabka loogu gurmadi karo dadkaasi.
Samantha Power ayaa sheegtay in hay’adda USAID ay bixineso lacag dhan $470 oo loogu tala galay in wax lagu qabto abaarta.